Arsenal oo dooneysa Ciyaaryahan Thiago Alcantara

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay wax ka weydiisay kooxdiisa sida ay ku heli karaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Thiago Alcantara, iyadoo Liverpool ay tartan ugu jirto saxiixiisa.

Xiddiga reer Spain, oo ka qeyb galaya finalka Champions League ee caawa kooxdiisa la ciyaarayaan Paris Saint-Germain, ayaa u muuqday inuu u dhaqaaqayo Anfield xagaagan laakiin weli heshiis lama gaarin.

Hal sano ayaa uga harsan tahay qandaraaskiisa kooxda reer Jarmal, kuwaas oo doonaya inay iibiyaan xagaagaan halkii ay ku lumin lahaayeen si xor ah dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.

Bayern ayaa dalbaneysa 23 milyan ginni haddii uu baxayo 29 jirkaan, kaasoo Liverpool ay u aragto mid muhiimad gaar ah u leh kooxooda.