Dhageyso:-Degaan ka tirsan Shabeellaha Hoose oo galay xaalad go’doon ah

Qaar kamid ah Bulshada ku nool degaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in degaanka uu galay go’doon, kadib cadaadis uga yimid Ciidamada Dowladda & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Mid kamid ah dadka degaanka Janaale oo la soo xiriiray Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Cidamada Dowladda ay adkeeyeen Gaadiidka degaanka soo gelin jiray raashinka iyo waxyaabaha muhiimka u ah Bulshada.

Waxa uu sheegay in dadka ku nool degaanka aysan awoodin xataa inay beerahooda aadan, sidoo kalena wax gaadiidka ah oo sida Raashin aysan soo gelin degaanka todobaadyadii la soo dhaafay, hayeeshee Gaari dameer lagu keeno taas oo dabooli karin baahida Bulshada.

Muddo Shan bilood ah ayaa laga joogaa markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo muddo sanado ah gacanta ku hayeen Al-Shabaab, waxaana mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda & Ururka Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Warkaan iyo Wariye Axmed Tifow.