Yuusuf Garaad oo soo bandhigay qorsho fashilin kara Shirka Dhuusamareeb

Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar oo mar soo nqoday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in uusan muuqan qorshe uu Dhuusamareeb 15-ka Bishaan uga furmi karo Shirka u dhaxeeya Madaxda dfs & Dowlad Goboleedyada.

Yuusuf Garaad waxaa uu sheegay in mudo laba Cisho kaliya ay ka hartay qabsoomida shirka,sidoo kalena uu sheegay in wax natiijo ah aan lagu gaari doonin shirkaasi hadii dhinacyada mid kamid ah uusan tanaasulin.

“Berri iyo saaddambe oo keliya ayaa naga xiga 15-ka Agoosto. Haddii aan mucjiso dhicin, sansaanku uma eka in uu Shirka Dhuusa Marreeb uu furmi doono maalinta loo ballamay, Xataa marka uu qabsoomo, xal lama gaari doono haddii aan dhinac la imaan tanaasul ayuu qoraal uu soos aaray ku yiri” Yuusuf Garaad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay lama huraan tahay in qof walba uu ka tanaasulo halka uu ku dhegan yahay si hal meel la isugu wada yimaado xalna loo wada gaaro.

Sida aan qoray saacado ka hor inta aan Baarlamaanku ridin Xukuumadda July 25, waxaan weli qabaa in Baarlamaanka iyo Dowlad Goboleedyada uu dalku wada qaado loona wada baahan yahay, Is afgarad oo keliya ayaa meesha ka saari kara haddiiba ay dhab yihiin khataraha iyo hanjabaadda aan loo meel dayin ee tooska ah ee dhinacyada qaar ka soo yeera.

Hoos Ka Akhriso Qoraal Dheer uu Yuusuf Garaad ka diyaariyay walaaca uu ka qabo dib u dhac ku yimaada Shirka Dhuusamareeb iyo guulaha laga gaari karo.

Shirka aad loo sugayo ee Dhuusa Marreeb in uu aflaxo in uu qabsoomo ayaa ka horreysa.
Berri iyo saaddambe oo keliya ayaa naga xiga 15-ka Agoosto. Haddii aan mucjiso dhicin, sansaanku uma eka in uu Shirka Dhuusa Marreeb uu furmi doono saakuun oo ah maalinta loo ballamay.

Xataa marka uu qabsoomo, xal lama gaari doono haddii aan dhinac la imaan tanaasul.
Waxaa markaa lama huraan noqon doonta in dhinac kastaa uu ka ruuqaansado barta uu hadda ku dheggan yahay ee lagu yaqaan, si bar hor leh oo raalli la isaga yahay loogu wada guuro.

Sida aan qoray saacado ka hor inta aan Baarlamaanku ridin Xukuumadda July 25, waxaan weli qabaa in Baarlamaanka iyo Dowlad Goboleedyada uu dalku wada qaado loona wada baahan yahay.

Is afgarad oo keliya ayaa meesha ka saari kara haddiiba ay dhab yihiin khataraha iyo hanjabaadda aan loo meel dayin ee tooska ah ee dhinacyada qaar ka soo yeera.
Waxaa kale oo uu heshiiskaasi dhimi karaa kaalinta uu ajnebi ku yeelan karo qaabeynta nooca doorashada iyo goorta ay noqoneyso.

Mas’uuliyiinta ay isu geyntoodu tirada yar tahay ee ku heshiin la’ xilliga ay doorasho dhaceyso, waxaan jecelahaan lahaa in ay arkaan fursadda ay Soomaali oo malaayiin ahi ay iyaga siisay oo ah in ay ka sugto in ay aayaheenna keligood go’aan ka gaaraan.

Waxaan jeclaa in aanay iyagu isu muuqan ee dadka iyo dalku ay u muuqdaan, wakhtiga is gurayaana uu u muuqdo.

Waxaan jeclaa in fursadda iyo xushamda la siiyay ay u muuqato, oo iyaga oo ku faraxsan, ay mas’uuliyaddooda hagaag u gutaan.

Waxaan jeclaa in aan xusuusiyo in ay taariikhdooda si wanaagsan u qortaan.