Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa waxaa ay howlgallo ka bilaabeen degmooyn ka tirsan Gobolkaasi,waxaana saraakiisha howgalka hoggaamineysa ay sheegeen in uu yahay mid lagu furayo wadooyinka Gobolkaas.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha gobolka Gedo Cismaan Nuur xaaji Macalimow, qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Gedo iyo Saraakiisah Ciidamada Millateriga Soomaaliya,waxaana laga sameeyay inta u dhaxeysa degmooyinka luuq, Doolow & Beledxaawo.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cismaan Nuur xaaji Macalimow ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid la isugu furayo wadoooyinka degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo loogana saarayo Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay howlgalkooda ku gaareen tuulooyin dhowr ah,isla markaana Maamulka gobolka Gedo iyo Saraakiisha Ciidamada aysan u dul qaadan doonin dhibaato uu sheegay inay Gobolkasi ka wadaan Al-Shabaab.
Todobaadkii hore ayaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Dowladda ee degmooyinka Garbahaareey iyo Doolow,waxana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay iska difaaceen.