Qadka isgaarsiinta ee internet-ka Koonfurta Soomaaliya ayaa dib u soo laabtay ka dib markii uu go’naa tan iyo shalay, sida ay xaqiijisay hay’adda NetBlock oo ka shaqeysa arrimaha madaxbannaanida internet-ka.
Qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa internet la’aan ahaa tan iyo galabkii Sabtida. Inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayeyna arrintaas saameysay.
Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud oo ka mid ah kuwa ka hawgala gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in “baaritaan hordhac ah ay ku hayso cilladda ku timid”.
“ka dib markii dabaylo xoogbadan ay ka dheceen badwaynta Hindiya, waxay saameyn ku yeesheen xarigii Internet-ka, taas oo sababtay inay cilad ku timaado”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay bogga shirkadda Hormuud.
Sidoo kale adeegyada kale ee internet-ka, ee aan ahayn midka Hormuud, oo dad badan ay isticmaalayeen ayaa ka maqan magaalooyiin ay Muqdisho ka mid tahay.
Waxat Netblock sheegtay in saameynta ugu weyn ee internet la’aanta ay gaartay magaalada Muqdisho. “Internet-ka la jaray ayaa weli sii socda niyadoo xadideysa tabinta dhacdooyiinka wararka”, ayaa lagu qoray boggeeda oo looga hadlo arrimaha internetka la jaro ee caalamka.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Cabdi Canshuur, ayaa BBC Somali u sheegay in cillad farsamo ay ku dhacday xarigga internet-ka Fiber-ka.
“Cilladdan hadda weli ma ogin balse weli baaritaankeeda ayaa socdo. Mardhow ayaan soo gebagebeyneynaa,” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in marka la ogaado ka dib la qiimeyn doono heerka ay cillada gaarsiisan tahay iyo muddada ay qaadaneyso dib u sameynta iyo soo celinta adeegga internet-ka ee Soomaaliya.
Haseyeeshee shabakadda Netblock ee la socota dhaqdhaqaaqa intarnet-ka ayaa cilladaas la xiriirisay “dhacdadii baarlamaanka ee Sabtidii” ee la sheegay in xilka looga qaaday Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.



