Jubbaland oo faah faahisay howlgal laga fuliyay Gobolka Jubbada Hoose

Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Jubaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanada miiyiga ah ee ku dhow Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan uu ka dambeeyay, kadib markii ay cabasho u soo gudbiyeen dadka Shacabka ah ee ku nool deegaannada ku dhow Cabdalla Biroole.

Saraakiisha ma faah faahin waxyaabaha ay kusoo qabteen howlgalkaas,waxaana wararka la helay ay sheegayaan in Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay dib uga soo laabteen deegaannadii ay howlgalka ka fuliyeen oo Al-Shabaab oo markii hore gacanta ku haayay ay dib ugu soo laabteen.

Deegaano iyo degmoyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay Al-Shabaab ku qaadaa Saldhigyada Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland, waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda ee qeybta 43aad ay sheegaan inay iska difaacaan.