Madaxweynaha Somaliland oo si kulul uga hadlay Ciidamada laga dhisaayo Badacas

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta tababar usoo xidhay dufcaddii 32-aad ee katirsan ciidamada kala duwan dalka oo ka qalin-jebisa dugsiga tababarka ciidanka Mandheera ee Lixle.

Munaasibad kooban oo ay ku qalin-jebinayeen dufcadda 32-aad ee ciidanka oo ka kala socda ciidamada Booliska, Laanta socdaalka, madaxtooyada Somaliland iyo qaybaha kale h oo lagu qabtay xarunta dugsiga tababarka deegaanka Mandheera ee Lixle, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada Militeriga, Booliska, Asluubta, Badda, xubno kamid ah golaha wasiirrada.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay dadaallada ay waddaan qaar ka mid ah dalalka ku teedsan badda cas ee ay Ciidamada ku sameynayaan.

Muuse Biixi waxaa uu sheegay in Somaliland aysan aqbali doonin, islamarkaana ay qaadi doonto tilaabo walba oo dhismaha maamulkiisa Madaxbanaanidiisa ka hor imaanaya.

“Cidna ka yeelimayno, wax annaga qarannimadayada wax u dhimaaya, Cidina naguma metesho Baddacas, Dawladdaha yidhi Baddacas waxaanu u samaynaynaa ciidan difaaca ee magacyaasha badan ee sideeda dawladood ah, waxaanu Cod dheer ugu sheegaynaa …..” Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi