Manchester United ayaa sagaal milyan ginni kale siin doonta kooxda Sporting Lisbon taasoo daba socota heshiiskii Bruno Fernandes.
25 jirka khadka dhexe ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u fiican tan iyo markii uu ku soo wareegay 47 milyan ginni bishii Janaayo.
Laakiin waxaa jiray sharuudo badan oo ku xirnaa heshiiska sida ay sheegtay jariirada Portugal ka soo baxda eeĀ A Bola.
Sharuuda ugu horeysa waxay aheyd in haddii Fernandes uu 20 kulan u safto Man United in kooxda Ingariiska ay 4.5 milyan ginni siin doonto Sporting.
Ka dib waxay bixin doonaan 4.5 milyan ginni kale haddii United ay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Waqtigii sharuudaan lagu darayay heshiiska, Sporting waa ay ka careysneyd iyagoo aaminsanaa inaysan suurtogal aheyn in United ay u soo bixi doonto Champions League.
Waqtigaas Man United waxay ku jirtay qaab ciyaareed aad u xun, laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku guuleystay inaan kooxdiisa laga badinin 18 kulan tartamada oo dhan iyadoo guuldarro ay soo gaartay semi-finalkii FA Cup.
Bruno Fernandes ayaana qeyb libaax leh ka qaatay in Man United ay sarre u soo kacdo isagoo dhaliyay sagaal gool islamarkaana sameeyay sideed caawin 18 kulan uu saftay.