SAWIRO: Abiy Axmed oo booqasho aan lasii shaacin ku tagay Asmara

Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta booqasho lama filaan ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Waxaa  garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha dalka Eretria Isaias Afwerki iyo xubno k amid ah golihiisa Wasiirada.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa aheyd Mid aan lasii shaacin, waxaana ay kusoo aaday xilli uu xoogeystay Khilaafka Masar iyo Ethopia ee Wabiga Nile.

Waxaa sidoo kale jira in maalmihii lasoo dhaafay uu Qalalaalse dad badan ay ku dhinteen ka dhacay dalka Itoobiya.