Banaanbaxyo ka socda Suudaan

Magaalada Khartuum ee Caasimada Suudaan ayaa waxaa isugusoo baxay Kumanaan Kooxo Islaamiyiin reer Suudaan ah iyo taageerayaashii madaxweynihii xukunka laga tuuray Omer Xasan Al-Bashiir kuwaa oo ka  dhan ah qawaaniinta cusub ee jabiyey shuruucda kala duwan ee Islaamka, sida ay kusoo warantay wakaaladda Anadolu.

Mudaaharaadyada lagaga soo horjeeday dawladda, oo ka kala dhacay masaajiddo badan salaadii Jimcaha ka dib, ayaa eedeeyn loogu soo jeediyay Dowlada oo ku  tagri falaysa awoodeeda.

Shacabka Wadanka Suudaan ayaa dalbaday in xukunka laga tuuro Ra’iisal Wasaare Abdallah Hamdok.

Dowladda Suudaan ayaa todobaadkii hore meel marisay sharciyo dhowr ah oo baajinaya xayiraad kala duwan oo dhanka sharciga Isalaam-ka horeyne ay Xukuumadii Mr Al-Bashiir ujoojisay, oo ay ka mid ahayd mamnuucida Khamriga iyo xayiraada dharka Dumarka ee Goobaha la iskugu yimaado.