1,014 oo arday oo imtixaanka dugsiga Sare u fadhiisatay Jubbaland

Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee dawlad goboledka Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa saaka si rasmi ah magaalada Kismaayo uga daah furtay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Jubbaland, kaasi oo ay qaadayso wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawladda federaalka Soomaaliya.

1,014 arday oo ku sugan dhammaan deegaannada Jubbaland ayaa u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare.

Imtaxaankaan oo ay qaadayso wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaa galaya ardayda ku nool guud ahaan gobollada dalka marka laga reebo Puntland iyo Somaliland.

Sida ay sheegtay Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sarre, waxaa sanadkaan Imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2019/2020 ufadhiisandoona in ka badan 70,000 oo arday Soomaaliyeed ah si xariir ah sanadkii 6-aad, iyadoo sanadkaan lagu Soo kordhiyay fasalka 8-aad (Standard8) 11/July/2020 & Dugsi sare 18-July-2020.