Khasaare ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay Mudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in galabta uu dhacay iska horimaad hubeysan oo dhexmaray maleeshiyaad beeleedyo kasoo wada jeeda Puntland.

Iska horimaadkan waxaa uu ka dhacay degaanka Barwaaqo oo ku dhaw deeganka Beyra ee gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi waa dhimashada 1 qof iyo dhaawaca 3 qof oo kale, waxaana dhammaantood ay yihiin maleeshiyaadka dagaalamay, iyadoo ay tahay markii 2aad oo bilo gudahood lagu dagaalamo degaanka.

Iska horimaadkan cusub, waxa sababay sida ay wararku sheegayaan dil maanta nabadoon caan ah loogu geystay magaalada Bursaalax ee gobolka Mudug, waxaana maleeshiyad ka carooday dilkaas ay weerar ku qaadeen deganka Barwaaqo, halkaas oo khasaare ka dhashay.