Wariyahaan oo u dhashay dalka masar laguna Magacaabi jiray Maxamed Monir ayaa waxaa uu ku dhex dhintay Xarun karantiil oo ku taalla Gudaha dalkaas,isaga oo u xirnaa dowladda Masar.
Wariyaha ayaa maalmihi la soo dhaafay la xanuun sanaa Cudurka COVID-19,isla markaana daryeel la’aan uu u dhintay sida ay sheegtay Gabadhiisa oo la hadashay Warbaahinta.
Sababaha ay dowladda Masar u xirtay Wariyaha ayaa waxaa lagu sheegay in uu kasoo muuqday telefashinka Aljazeera ee laga leeyahay dalka Qatar oo dalkaasi Masar laga mamnuucay in laga daawado.
Waxaa sidoo kale dowladda Masar ay ku eedeysay Wariyaha in uu ku biiray Kooxaha loogu yeero argagaxisada iyo in uu faafiyay warar been abuur ah,isla markaana Baraha Bulshada uu ku qoray warar been abuur ah.
Guddiga difaaca weriyayaasha ee saldhiggiisu yahay Mareykanka CPJ ayaa waxaa ay sheegeen in Wariye Maxamed Monir uu ku dhintay Gudaha Xarun lagu karantiilay,kaidb markii laga helay calaamadaha Cudurka Coronavirus.
Qaar kamid ah Ururada Saxaafadda dalka Masar ayaa horay u cambaareeyay xariga Wariye Maxamed Monir,kaas oo ugu dambeyn u geeriyooday Cudurka COVID-19.