Soomaaliland oo faah faahisay Nin dil geystay oo la qabtay

13-ki Bishaan ayaa Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Soomaaliland waxaa la sheegay ay gacanta kusoo dhigeen Nin dhawaan dil ka gaystay Deegaanka fadhi-Gaab oo ka tirsan gobolka Sanaag,waxaana arrintaasi faah faahin ka bixisay Soomaaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Ninka ay Ciidamada Soomaaliland soo qabteen uu dil u geystay Nin kale xilli ay dhawaan jirtay xiisad colaadeed oo u dhaxeysay laba beelood,isla markaana laga soo qabtay deegaanka Dowl-dowl, iyada oo lagu xiray Xabsiga Ceel-Afweyn.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Ninkaaso Maxkamad la horgeyn doono Cadaaladdana la marsiin doono,waxaana uu ku baaqay in xal nabadeed laga garao Colaad Beeleedyada kusoo laab laabtay deegaannada hoostaga Ceel-Afweyn.

Dhinaca kale degmada Ceel-Afweyn iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ka socda qaban qaabada shirar la doonayo in lagu soo afjaro colaad u dhaxeysa laba beelood oo sanadihii la soo dhaafay halkaasi ka taagneyd.