Dhageyso:-Wabiga Shabeelle oo deegaano horleh fatahaad ka sameeyay

Wabiga Shabeelle ayaa waxaa uu markale fatahaad ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana uu sababay barakaca boqolaal qoys.

Degaannada uu wabiga ka fatahay ayaa waxaa kamid ah,Tuulooyinka Buulo Abtow, Wargaab,Buulo Bohol iyo tuulooyin kale,waxaana fatahaada uu baabi’iyay dalagyadii beeraha iyo Guryo dhor ah oo ku yaalla tuulooyinkaas.

Qaar kamid ah dad ku go’doonsan tuulooyinka uu wabiga ka fatahay ayaa waxaa ay sheegeen inaysan arkin cid ilaa iyo hadda dad usoo gurmatay,isla markaana dhibaatooyin kala duwan ay heystaan,waxaana ay dalbadeen in gurmad la soo gaarsiiyo.

Tuulooyinka uu fatahaada ka geystay Wabiga Shabeelle ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda Maamulka degmada Balcad,waxaana ay sheegeen inay ka Shaqeynayaan sidii dadkaasi uu Wabiga ku fatahay ay u badbaadin lahaayeen.

Wabiga Shabeelle ayaa horay waxaa uu fatahaad uga geystay degaano ka tirsan gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe,waxaana fatahaadaha ay sababeen inay baaba’aan dalagyo farabadan iyo barakaca kumanaan qoys.