Ibraahim Cismaan oo noqday Madaxweyne ku xigeenka dowlad degaanka Soomaalida

Xisbiga talada haya ee Dowlad Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa Ibraahim Cismaan u magacaabay madaxweyne ku-xigeenka cusub ee maamulkaas.

Tilaabadaan ayaa timid kadib markii Aadan Farax oo xilkaas hayay dhawaan loo magacaabay afhayeenka baarlamaanka Federaalka ee Itoobiya.

Sido kale xisbiga waxay afahayeenka baarlamaanka cusub u magacaabeen Malaw Ibraahim Cabdi (Mandela), sida ay ku warrantay warbaahinta Dowlad Deegaanka.

Waxaa lagu wadaa in xubnahan lasoo magacaabay loo gudbiyo golaha baarlamaanka si ay u ansixiyaan.