Goordhow Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa uga furmay kulanka 3-aad kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka.
Kulanka waxaa shir guddoominaya kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey,waxaana kulanka goobjoog ka ah 140 Xildhibaan.
Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ee H/Sharciyeedka Nootaayooyinka,kaas oo Xildhibaannada Golaha Shacabka Isniintii la soo dhaafay la filayay inay marsiiyaan Akhrinta 2aad,balse kooram la’aan uu u baaqday kulanka.
Guddoomiyaha guddiga wadajirka ee diyaarinta xeerarka dhameystirka sharciga doorashoyinka Qaranka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka hor aqriyay warbixinta guddiga ee ku saabsan 4-ta xeer ee dhameystirka sharciga doorashooyinka Qaranka.




