Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo maanta xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu danbeeyey ee xanuunka Covid 19, waxa uu xusay in 5 maalmood ee la soo dhaafay 54 qof laga helay xanuunka dadkaasina ay kala joogaan dhamaan gobolada Puntland.
Agaasimaha ayaa sheegay in taasi ka dhigantahay in xanuunku maalinba maalinta ka danbeysa uu kor usii kacayo, waxaana uu bulshada la wadaagay inay taxadar muujiyaan, ganacsatada ayuu kula dardaarmay inay dadka ay wax ka iibinayaan ka fakaraan badqabkooda.
Agaasimaha ayaa soo hadal qaaday talaabooyinka ay qaadeen ka Wasaarad ahaan sida inay dhamaan gobolada iyo degmooyinka qaarkood ka hirgaliyeen xarumaha dawaynta iyo karantiilka kuwaasi oo inta badan loo dhamaystiran adeega ay ubaahnaayeen, sidoo kale in xarunta dadka ay soo wacaan ay maalin kasta soo wacaan dad ka badan 100 qof oo raadinaya inay xaalkooda ogaadaan.
Agaasimaha ayaa ugu danbeyn u mahadceliyay kaalinta ay qaadanayaan guddiga wacyigalinta Covid19 ee Puntland, waxa uu sidoo kale ku amaanay guddiga kmg ee doorashooyinka Puntland hakinta ay hakiyeen isku soo baxyadii ururada iyo shirarkii ay yeelan lahaayeen.



