Soomaaliland ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay kiisas horleh oo Cudurka Coronavirus ah oo laga helay deegaannadeeda,kadib baaritaano la sameeyay 48-kii Saacadood ee la soo dhaafay.
Qoraal kasoo Guddiga ka hortaga iyo wacyigelinta COVID-19 u qaabilsan Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 101 qof oo looga shakisanaa Cudurka,balse laga helay 8 Ruux oo kamid ahaa dadkaasi,taas oo ka dhigan in uu hoos u dhacay kiisaska Coronavirus ee Soomaaliland.
Dadka Cudurka laga haley ayaa Guddigu sheegeen inay dhamaantood joogaan Magaalada Hargeysa,kuwaas oo kala ah lix qof oo rag ah iyo laba Dumar ah,isla markaana la geliyay xaalad karantiil ah.
Ugu dambeyn Tirada Guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus deegaannada Soomaaliland ayaa waxaa ay gaartay 565 Ruux, 27 qof dhimasho ah halka ay ka bogsadeen 106 Ruux.



