Dhageyso;-Deni oo sheegay in Dowladda Federaalka ay diiday wada-hadal

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta furay kal-fadhiga 46aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka hadlay, Arrimaha Cudurka COVID-19, Amniga doorashooyinka, Shirka ka socda Jabuuti iyo Guud ahaan Arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in sharciga doorashooyinka Soomaaliya oo ansixiyeen Baarlamaanka labada Aqal Madaxweyne Farmaajana uu saxiixay in Xubnaha Golaha Wakiilada looga baahan yahay inay gebi ahaan laalaan,isaga oo ku micneeyay in Madaxda Dowladda ay dano Siyaasadeed ka leeyihiin Sharciga Doorashooyinka oo uu sheegay in aan lagala tashan Puntland.

Khubadda Madaxweyne Deni oo aad u dheereyd ayaa waxaa uu ugu baaqay Saamileeyda Siyaasadda dalka ay isugu’ yimaadaan kulan looga tashanayo hannaanka loo wajahayo Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa uu soo hadal qaaday wada-hadallada Madaxda Dowladda Federaalka & Soomaaliland uga socdo dalka Jabuuti,waxaana uu sheegay in shirkaasi Puntland qeyb ka aheyn,isla markaana aysan aqbaleyn natiijada kasoo baxda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in Puntland ay horay u iclaamisay Gogol lagu xalin lahaa khilaafka Dowladda & Dowladda Goboleedyada,hayeeshee Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diideen wada xaajood la galo xalna laga gaaro khilaafka jira.