Shir Muqdisho uga socda Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo Guddoonka Golaha Shacabka

Wararka naga soo gaaraya xarunta Madasha Xisbiyadda Qaran ee dalka ayaa sheegaya in goor dhow uu halkaasi shir uga furmay Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Golaha Shacabka iyo Madaxdii hore ee dalka.

Maxamed Mursal Mursal Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/weli Muudeey ayaa hadda ku sugan xarunta Madasha Xisbiyadda Qaran, waxaana ay shir kula jiraan Madaxweynayaashi hore.

Kulankan ayaa daba socda kulankii maalin ka hor Madaxweynayaashi hore la qaateen Guddoonka labada Aqal, iyagoo farriin ugu dhiibey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku saabsan mowqifka Madasha ee doorashada.