Abaalmarinta xiddiga sannadkan ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa la siin doonaa kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson, waxaanu sii wadi doonaa awooddii kooxdiisu ku lahayd abaal-marinta PFA ee sannadihii ugu dambeeyey sida joogtada ah u qaadayay.
Saadaal la sameeyey ayaa lagu soo bandhigay 10ka ciyaartoy ee tobanka sannadood ee soo socda ku guuleysan doona abaal-marinta xiddignimada sannadka gudaha Ingiriiska ee PFA, waxaana si layaab leh ugu soo baxay laacibka Barcelona khadka dhexe uga ciyaara ee De Jong.
Kubbad-sameeyahan ayaa la saadaaliyey inuu iman doono Premier League oo uu u ciyaari doono Tottenham, isla markaana uu kaalinta saddexaad keeni doono xili ciyaareedka 2025/26, isagana la guddoonsiin doono PFA.
Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ee Kevin de Bruyne ayaa sannadka dambe iska sugi doona, iyadoo uu markan kaalinta labaad u geli doono Jordan Henderson oo xiddignimada qaadan doona, laakiin waxa isagana kusii xigi doona Bruno Fernandes oo muddo kooban oo uu Manchester United joogay muujiyey sida uu u yahay nin u qalma in la siiyo abaal-marintan.
21 jirka Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa loo saadaaliyey inuu xiddiga Premier League noqon doono saddex sannadood kaddib isaga oo waliba xidhan funaanadda Reds, hase yeeshee waxa isagana kala wareegi doona weeraryahanka 20 jirka ah ee ay xulka England u wada ciyaaraan ee Jadon Sancho oo ka tirsan Borussia Dortmund hase yeeshee Premier League kusoo jeeda.
Halkan ka akhriso laacibiinta la saadaaliyey inay noqon doonaan xiddigaha PFA iyo sannadka:
2019/20: Jordan Henderson
2020/21: Kevin De Bruyne
2021/22: Bruno Fernandes
2022/23: Trent Alexander-Arnold
2023/24: Jadon Sancho
2024/25: Marcus Rashford
2025/26: Frenkie de Jong
2026/27: Phil Foden



