Dhageyso:-Maxaa keenay walaaca laga qabo muddo kororsi ay sameystaan Madaxda DFS?

Bilihii la soo dhaafay waxaa jiray walaac ay muujinayeen Siyaasiyiinta u hanqal taagaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya qaar kamid ah Xubnaha Beesha Caalamka ee taageeraya Soomaaliya,kaas oo ku saabsan in Madaxda Dowladda Federaalka ay sameystaan muddo kororsi.

Siyaasiyiin badan ayaa aamisan in Madaxda Dowladda Federaalka ay qorsheynayaan in doorashada aan waqtigeeda lagu qaban,iyada oo marmarsiiyo laga dhiganayo Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya iyo Arrimo kale.

In kastoo Madaxda Dowladda ay sheegeen in doorashada ay waqtigeeda ku qabanayaan ayaa hadana waxaa jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Siyaasiyiin qaba in Xukuumadda Soomaaliya ay ka gaabisay waxyaabihii muhiimka u ahaa in doorashada Soomaaliya waqtigeeda lagu qabto.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre Saadaq Cabdullaahi Cabdi oo Risaala la hadlay ayaa sharaxaya waxa keenay walaaca laga qabo muddo kororsi ay sameystaan Madaxda DFS.