Braziil ayaa diiwaangelisay koror kale oo weyn oo ah tirada dadka uu ku dhacay Cudurka Corona Virus , waxaa ay maanta ka sara martay dalka Ruushka oo ku jiray kaalinta labaad.
Dalka Braziil wuxuu hadda diiwaangaliyay 330,890 infekshan iyo 21,048 dhimasho ah.
Tirada maalinlaha ah ee dhimashada ayaa ka sarreysa 1,000 afartii maalmood ee la soo dhaafay.
Madaxweynaha garabka midig ee reer Brazil Jair Bolsonaro wuxuu si isdaba joog ah u dhalleeceeyay talo bixinta caafimaadka bulshada, wuxuu dhaleeceeyay talaabooyinka xirida iyo hoos u dhigida halista Covid-19.
Sida laga soo xigtay tirokoobyada Jaamacadda Johns Hopkins, Mareykanka wuxuu diiwaangeliyay in kabadan 1.6 milyan oo xaaladood iyo ku dhawaad 96,000 oo dhimasho ah halka Russia ay xaqiijisay 326,488 cudur iyo 3,200 oo dhimasho ah.