Khaashuqi Gabadhi u doonneyd oo diiday cafis ay qoyska u fidiyeen dadkii dilay

Haweeneydi u doonneyd wariyihi Sacuudiga ee la dilay Jamaal Khaashuqji ayaa sheegtay “Iney cidna xaq u lahayn iney cafiso dilaaga”, kaddib marki uu wiil uu Khaashuqji dhalay sheegay iney dilaaga aabbahood ay cafiyeen.

Hatice Cengiz oo u dhalatay dalka Turkiga ayaa barteeda Twiitarka ku qortay “Dilkii foosha xumaa ma jiro sharci looga qiil bixiyo”.

Khaashuqji oo si weyn u dhaleeceyn jiray dowladda Sacuudiga ayaa 2018-kii lagu dilay gudaha qunsuliyadda Istaanbuul uu Sacuudiga ku leeyahay.

Saraakiisha Sacuudiga waxay sheegeen “dilka aan damiirka lahayn” iney dowladdooda wax shaqa ah ku laheen. Hase yeeshee, hadalka Sacuudiga waxaa su’aal geliyey caalamka oo dhan.

Khaashuqji ayaa maqaallo ku qori jiray wargeyska Washington Post isaga oo geeridiisa ka hor ku noolaa dalka Mareykanka.