Dhawaan Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay baahisay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka inay qariso xogta ku aadan dadka laga baaro Coronavirus,balse kaliya la sheego dadka laga helo cudurkaas.
Dad badan ayaa is weeydiinayay sababaha Wasaaradda Caafimaadka ay u qarisay baahinta tirada dadka Cudurka laga baaray,waxaana Warbixintii Idaacadda Risaala ee lagu baahiyay Baraha Facebook iyo Youtube ka jawaabay dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga ka hortagga COVID-19 ayaa sheegay in Shirka joogtada oo ay habeen walba yeeshaan lagu soo bandhigo dadka la baaray,hayeeshee aan Warbaahinta lala wadaagin.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkan iyo Wariye Cali Xasan Cali.



