2 Bil ka dib oo la Aasaayo Soomaalidii lagu xasuuqay Yemen

HODEIDAH, MAR 17 -- Yemeni police officers check the bodies of Somali refugees, killed in attack by a helicopter while travelling in a vessel off Yemen, at the Red Sea port of Hodeidah, Yemen March 17, 2017. REUTERS-12R

Kooxda Xuutiyiinta  ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa aqbalay Markii ugu horeysay in la aaso Soomaali ka badan 45 qof oo muddo ka badan 2 bilood Meydadkooda ay yaaleen dalka Yemen.

Qunsulka Soomaaliya ee Yemen Axmed Suudan ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda Xuutiyiinta in ay aqbaleen in la aaso dadkaasi Soomaaliyeed.

Kooxda Xuutiyiinta ah ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay Meydadkaan in dowladda Soomaaliya ay caddeyso in ay dileen Kooxda Isbaheysiga Sucuudiga ee  dagaalka ka wadda dalka Yemen.

 

Ilaa iyo hadda Kooxda Xuutiyiinta ah ma cadeyn in ay jirto warqad ay dowladda Soomaaliya u dirtay oo ay ku Cadeynayso in dadkaasi ay laayeen Isbaheysiga Sucuudiga.

Dowladda Sucuudiga ayaa iska fogeysay in ay dadkaasi leysay , laakiin Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dadkaasi ay dileen Isbaheysiga Sacuudiga.