Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa marka hore sheegay in Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay hortaagan tahay diyaarad sida gurmad noocyo kala duwan ah oo loogu tala galay ka hortaga Xanuunka Covid19 iyo fatahaadaha ka jira Gobolka Gedo.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Kismaayo ayuu ku sheegay in Dowladda ay cunaqabayen saartay dadka Shacabka ah ee ku nool deegaannada Jubbaland,isla markaana ay taasi dhibaato ku tahay dadka Shacabka ah.
Dhinaca kale Madaxweyne kuxiegenka 1aad ee Jubbaland waxaa uu sheegay in Jubbaland go’aano adag ka qaadan doonto khalkhalka Siyaasadeed ee ay Dowlada Federaalka ah ka wado Gobolka Gedo taas oo ay ku burburisay dhamaan Hay’adahii sharciga ahaa ee halkaas ka jiray waa sida uu hadalka u dhigay.
Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa xoogeystay tan iyo wixii ka dambeeyay dib u doorashadii Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam,waxaana jirin wada-hadallo toos ah oo xal looga gaarayo xalinta khilaafkaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland.



