Guddoomiyaha G/Hiiraan oo digniin & hanjabaad isugu daray Hay’adaha samafalka

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu digniin adag u diray Hay’adaha samafalka ee ka howlgallo deegaannada gobolka Hiiraan,isaga oo uga digay inay deeqo kala duwan u qeybiyaan dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne.

Waxaa uu sheegay in Hay’adahaas ay mas’uul ka yihiin dadka ka barakacay Magaalada Bledweyne sidoo kale ay yihiin kuwo dano gaar ah ka leh fatahaada Wabiga sidoo kalena ay qeyb weyn ka yihiin in uu wabiga fataho.

Hay’addii iskudayda inay deeq gaarsiiso dadka ku barakacay deegaanka Ceeljaale ee duleedka Beledweyne ayuu sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan tallaabo aysan waligooda la kulmin ay  ka qaadi doonaan.

Hay;adaha ka howlgalla Gobolka Hiiraan wax kama bixin kartaan deegaanka Ceeljaale,hay’adii wax ka bixisa maamulka tallaabo ayuu ka qaadayaa,tii dooneysa inay dadka u gurmato magalada Cudurada ka jira iyo inay waodoyinka dhisaan haka qeyb qaataan laakin wax kale maya ayuu yiri”Guddoomiye Cali Jeyte.

Hadalka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalma ka hor uu sheegay inay jiraan dad doonaya iany dadka barakacaan,isla markaana dano gaar ah ay ka leeyihiin.