Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay degaan hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ambareeso,waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.
Dad ku sugan degmada Baraawe ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta hubka labada dhinac ay isku adeegsanayeen,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maadaama uu dhacay xilli habeen ah.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay ka warhayeen ogta weerarka iskana difaaceen Ururka Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday,isla markaana khasaaro gaarsiiyeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka helayno deegaanka Ambareeso oo hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana deegaankaas ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.



