Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa Maanta qeybisay wajiga Labaad ee Barnaamijka (AFURI OO HEL LABA AJAR) ee Bisha Ramadaan deeq kala duwan oo laga soo kala aruuriyay dhageystayaasha Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ,waxaana loo qeybiyey dad barakacayaal ah oo ku nool degaanka Garas-Baaleey ee duleedka Magalada Muqdisho.
Wajiga Labaad ee Barnaamijka Afuri ee Bisha Ramadaan ee Idaacadda Risaala ayaa qoyskiiba waxa loo qeybiyay raashin dhan, Haaf bur ah, haaf bariis ah 10 Kiilo oo Sokor iyo saddexle Saliid ah, Timir, Hal neef oo iidaan loogu tala galay maanta iyo lacag Kaash ah oo loogu tala galay in ay alaabta ku qaataan.
Ilaa 50 Qoys oo ku nool deegaanka Garas-baaleey qaarkoodna kasoo barakacay degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa deeqdaas si isku-mid ah loogu qeybiyey kana faa’iideystay.
Agaasimaha Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho Maxamed Cabduwahaab Cabdullaahi oo goobjoog ka ahaa goobta deeqda kala duwan Barakacayaasha loogu qeybinayay ayaa u mahadceliyay Dhageysatayeyaasha Idaacadda oo u taagan caawinta bulshadda Soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxaana uu sheegay in barnaamijkaan ay Risaala sii wadi doonto ilaa iyo dhamaadka Bisha Ramadaan.
Qaar ka mid ah dadka deeqda lasiiyey ayaa iyana dhankooda waxaa ay uga mahad celiyeen Dhageystayaasha bixiyay lacagta lagu iibiyey deeqda kala duwan iyo idaacadda Risaala oo kaalin weyn ka geysatay soo aruurinta lacagtaas.
Si kastaba Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho oo lagu yaqaano u adeegida Bulshadeeda ayaa sanadkii 4aad waxaa ay qabaneysaa Barnaamijka (AFURI OO HEL LABA AJAR) oo loogu gurmayo dadka Soomaaliyeed aan waxba heysan,waxaana Saddexdii Sano ee horay u qabatay ka faa’iideystay dad farabadan oo ku nool Magalada Muqdisho iyo duleedkeeda.











