DAAWO:-Hoobiyeyaasha lagu garaaco Muqdisho oo kordhay & DFS oo ka aamusan

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay Hoobiyeyaasha lagu garaaco,kuwaas oo khasaaro nafeed iyo mid hantiyeed u geysta Dadka Shacabka ah.

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa dhawaan waxaa ay ku dhaceen Xaafado ka tirsan degmada Wadajir,kuwaas oo ay ku dhinteen dad Shacab ah iyo Geel farabadan.

Inta badan hoobiyeyaasha kusoo dhaca Muqdisho ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab oo sheega inay ku weeraraan Xerada Xalane,balse dowladda Soomaaliya oo dalka mas’uul ka ah aysan wax jawaab ah ka bixin

Hadaba Hoos Ka Daawo Warbixin uu diyaariyey Wariye Maxamed Cabdi.