Cali Guudlaawe oo bixiyey Amar ku saabsan fatahaada Wabiga

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xusseen oo ay wehliyaan Wasiiro Xildhibaano Guddoomiyaha Gobolka iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay Tuulada Bayo-xaaw oo ay ka socotay howlo lagu caro tuurayo Hareeraha Wabiga si looga hortago fatahaad uu geysto Wabiga.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale booqday tuulooyin jiinka wabiga ku yaal isagoo amar ku bixiyay in caro tuur xoog leh lagu sameeyo meelaha uu ka jilicsan yahay si looga baaqsado fatahaad ka dhacda deegaanadaas.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku Xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ayaa bulshada degan jiinka Wabiga ugu baaqay in maamulka ay garab istaagaan kalana shaqeeyaan cara tuurka Wabiga.