Khasaare ka dhashay Guri kusoo dumay Shaqaalle dhismo Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay guri ku dumay Shaqaalle ka howlgalayay.

Gurigaan oo ka mid ah Guryihii hore ayaa la sheegay in shaqaallaha ay doonayaan in ay dumiyaan si loo dhiso, waxaana la sheegay in uu hal mar kusoo dumay.

Laba qof ayaa ku geeriyooday Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta, waxaana ay halkaasi kasoo qaadeen dhaawacyadda.

Waxa ay sidoo kale ku guuleysteen in ay soo saaraan dhaawacyo ku hoos jiray gudaha dhismaha soo dumay.