Puntland oo hakisay isu-socodka Gaadiidka

Taliska Ciidanka Booliiska  Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya mamnuucay dhammaan isu-socodka Gaadiidka u kala goosha Gobollada iyo Gegmooyinka Puntland, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19.

Qoraal ka soo baxay Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Bile Faarax Cali, oo lagu socod-siiyay dhammaan Taliyaasha Qaybaha Booliiska Gobollada Puntland iyo shirkadaha Gaadiidleeyda, ayaa lagu sheegay in la mamnuucay isu-socodka Gaadiidka isaga goosha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland.

Taliyaaasha Qaybaha Booliiska Gobollada Puntland, ayaa la faray in ay sida ugu dhaksaha badan u dhaqan-geliyaan Amarkaasi ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska ee lagu mamnuucay isu-socodka Gaadiidka Gobollada Puntland, si looga hortago faafidda Cudurka Coronavirus.