Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku sugan Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabak sida ee Soomaaliya,iyaga oo halkaasi u tegay wax ka qabashada dilalkii aanooyinka qabiil la xiriirey ee ka dhacay degmadaas.
Magaalada waxaa ka dhacay kulan dhexmarey Odayaasha Dhaqanka degmada walanweyn iyo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada,iyada oo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada sheegeen in tallaabo laga qaadayo dadkii ka dambeeyey dhibaatadii ka dhacdey.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Ciidamada & Saraakiisha Ciidanka DANAB ay amar u qabaan inay Nolol ama geeri ku keenaan dadkii ka dambeeyey dhibaatadii iyo dilalkii ka dhacay degmada Walanweyn.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in hadii dadkii ka dambeeyey dhibaaadaas la keeno,iyaga oo meyd ah ay cadeyn doonaan in uu dhiigiisa banaanaa,isla markaana uu wadey dhibaateynta dad Soomaaliyeed iyo Hantidooda.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in aan looga hari doonin ciddii dadka dhibaateysa,dhamaan Ciidanka Danabna ay waajib ku tahay inay tallaabo ka qaadaan.
Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka dhacay dilal la xiriirey aanooyin qabiil,iyada oo ay dhaceen dhacdooyin argagax leh oo ay kamid ahaayeen in qof la gowraco ama qof inta la dilo,kadibna meydkiisa la gubo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.



