Ciyaaryahano diidey inay dhimaan mushaarkooda

Ciyaartoyda Premier League ayaa diidan inay dhaqaale ahaan caawiyaan kooxahooda iyadoo kubada cagta Ingariiska ay galeyso dagaal sokeeye.

Xiddiga Manchester City Kevin de Bruyne, kabtanka Watford Troy Deeney iyo kabtanka West Ham Mark Noble ayaa hogaaminaya dagaalka ay ciyaartoyda kula jiraan maamulka Premier League ee la xiriira mushahar dhimista.

Madaxda Premier League iyo madaxda kooxaha horyaalka ayaa ku fekerayay in ciyaartoyda ay diyaar u yihiin inay hoos u dhigaan boqolkiiba 30 mushaharkooda si kooxaha looga caawiyo dhaqaale darrada soo wajaheyso coronavirus dartiis.

Laakiin fariintiin ay ka heleen ciyaartoyda ayaa aheyd: “Waxaan lacagteena siineynaa hay’ada adeega caafimaadka UK ee NHS bedelkii aan caawin laheyn milkiilayaal taajiriin ah.”

Ururka ciyaartoyda Ingariiska ee PFA ayaa taageeray go’aanka adag ee ay ciyaartoyda qaateen iyo weerarka ay ciyaartoyda ku qaadayaan siyaasiyiinta

PFA ayaa aaminsan in mushahar dhimis ay sameeyaan ciyaartoyda inaysan dani ugu jirin dowlada iyagoo sheegay in haddii ciyaartoyda ay muddo sannad ah hoos u dhigaan mushaharkooda boqolkiiab 30 inay la micno tahay inay waayi doonaan lacag gaareysa 500 milyan ginni halka dowlada ay waayi doonto 200 milyan ginni oo ay canshuur ahaan uga qaadi laheyd ciyaartoyda, sidaasi darteed waxa faa’ida waa milkiilayaasha kooxaha kaliya.