Maalmo kooban kaddib markii uu kasoo baxay koomo uu ku jiray mudo laba sano, Siddeed bilood iyo 19 maalmood ah, Kooxda Ajax ayaa lagu soo warramayaa inay go’aamisay waxa ay ka yeelayso heshiiska da’yarka Muslimka ah ee Abdelhak Nouri.
Tan iyo markii uu koomada kasoo kacay, Abdelhak ayaa qoyskiisa ula safray dhinaca guriga walow ay wali xadidan yihiin waxyaabaha uu awoodo inuu sameeyo.
“Si fiican ayay ugu socotaa Appie (Abdelhak), Haa, Maxaa wanaagsan? Waxa wanaagsan inuu soo kacay, Isagu waa mid hurda, Waa mid wax cunaya, Waa mid daaco leh, Kama soo dagayo sariirta” Ayuu yidhi walaalka xiddigan oo saxaafada la hadlay.
Haddaba, Wargeyska the Telegraaph ayaa haatan shaaca ka qaaday in Ajax ay qorshaynayso inay gabi ahaanba halkaas ku kansasho heshiiska uu 22 sano jirkani kooxdeeda ku joogay.
Kooxda ree Holland ayaa soo samaysay arrin dadnimo leh oo heshiiska Nouri sidiisii u daysay mudada uu xanuunka qabay xilli sidoo kale ay doonayaan inay sii wadaan caawimada ay la garab joogeen mudadaas xataa marka ay kansalaan heshiiskiisa kaddib.



