Gudoomiyihii gobolka Nugaal oo geeriyooday

Guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi ayaa hadda u geeryooday dhaawicii ka soo gaaray qarax caawa lagula eegtay bartamaha magaalada Garoowe.

Qof ismiidamiyey ayaa isku Qarxiyey Gaari ay saarnaayeen Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) iyo Taliyihii hore qaybta booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli.

Labada Masuul ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo Culus oo ugu dambeyntii uu u geeriyooday Gudoomiyaha gobolka Nugaal.