Barcelona oo isha ku heysa Ciyaarayahan Pierre-Emerick Aubameyang

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso xiddiga Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang inuu noqdo weeraryahanka dooqa labad ee kooxda xili ciyaareedka dambe.

Kooxda La Liga ka dhisan ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub oo bedel mudada dheer u noqdo Luis Suarez, kaasoo ku maqnaa dhaawac.

Laacibka kooxda Inter Milan Lautaro Martinez ayaa weli ah bartilmaameedka koowaad ee Barca, laakiin wargeyska Sport ayaa soo jeedineysa in kooxda reer Catalan ay diirada saari doonto Aubameyang hadii ay ku guuldareystaan Lautaro Martinez.

Aubameyang ayaa dhawaan galaya 12 bilood ee ugu dmabeeyay qandaraaskiisa Arsenal waxaana uu wajahayaa mustaqbal aan la hubin waayihiisa garoonka Emirates Stadium.

Warbixin gooni ah ayaa sheegeysa inuu 30 jirkaani qalbiga ku hayo inuu u dhaqaaqo Camp Nou, in kasta oo uu dhawaan carabka uu ku adkeeyay inuu ku faraxsan yahay kooxda ka dhisan Waqooyiga London.