Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka bilaawdey wada-hadallo la isugu keenayo dhinacyada isku khilaafsan doorashadii ka dhacdey Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug oo lagu doortey Madaxweyne Qoor Qoor iyo kuxigeenkiisa.
Magaalada Gaalkacyo waxaa ku sugan mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xubno kamid ahaa Golaha wasiirada iyo Xubno kale,kuwaas oo qaadacsan doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusameeb.
Waxgarad iyo Xildhibaano kasoo jeeda Gobolka Mudug ayaa shalay gelinkii dambe waxaa ay gaareen Magaalada Gaalkacyo,iyaga oo halkaasi ka bilaabey dadaalo ay isugu keenayaan Madaxda Galmudugtii hore iyo qeybaha Bulshada si loo xaliyo khilaafka jira.
Xildhibaan Maxamed Tahliil(Calool) Gel) oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in hab siyaasadeed lagu xaliyey khilaafkii ka dhashay doorashada Galmudug,waxaana uu sheegay inay rajo ka qabaan in Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo Xubnaha kale inay ka qeyb galaan Caleema saarka Madaxda Cusub ee Galmudug.



