Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ka hadlay taatikada dheereyd ee Man United ka dib guuldaradii 2-0 ee soo garatay xalay.
Ederson wuxuu haystay maalin uu iloobay qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa, taasoo u oggolaatay in Anthony Martial uu toogasho fiican sameeyo iyadoo United ay hoggaanka u qabatay qeybta hore kulankii ka dhacayay Old Trafford.
Goolhayaha reer Brazil ayaa mar kale qalad uu sameeyay waxaa ku dhashay goolkii labaad ee Utd, isagoo si toos ah ugu tuuray kubada Scott McTominay, kaasoo aan wax qalad ah sameynin markii uu shabaqa ku toosiyay dhamaadkii ciyaarta.
Guardiola ayaa u sheegay BBC: “Waxaan u ciyaarnay si fiican, wax yar ayaan seegnay fursadaheena qeybta hore, laakiin qeybtii labaad waan fiicneyd waxaan heysanay qaab ciyaareed wanaagsan.
Waxaan u ciyaarnay si la mid ah sidii hore, waxaan isku daynay in aan si fiican u difaacno islamarkaana aan helo gool.
“Man Utd Waxa ay sugayeen kubado dhaadheer iyo weerarka counter-attack oo ay sameynayeen Daniel James iyo Anthony Martial.
Waxaan sameynay ciyaar wanaagsan, laakiin nasiibdarro waxaan dhalin weynay gool. Iyagu way ka faa,ideysteen qaladkeena.



