Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka hadlay qaraxii lagu dilay gudoomiyihii maxkamada gobolka Sool marxuun Xasan Sheekh.
Gudoomiye Cirro ayaa fariin uu soo ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu hay’addaha amniga u soo jeediyey inay baadhis deg deg ah sameeyaan.
Gudoomiye Cirro ayaa sidoo kale fariin tacsi ah u diray ehelada gudoomiyihii maxkamada gobolka Sool, waxaanay fariintiisu u dhignay sidan:-
Waxa aan tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa guud ahaa Somaliland gaar ahaana qoyska uu ka baxay Guddoomiyihii Maxakamadda Gobalka Sool Marxuum Xasan Sheekh oo gacan ka xaq-darani shalay qarax ku dishay gudaha magaalada Laasacanood. Ilaahay ha u naxariisto Marxuumka.
Xukuumadda iyo laamaha amniga waxa aan ugu baaqayaa in degdeg baadhis loogu sameeyo falkaas argagaxa leh, ciddii ka dambeysayna caddaaladda la hor keeno.



