Wasiirka Caafimaadka dalka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii looga hortagi lahaa Cudurka Corono virus oo dhibaato badan ku haaya Caalamka, islamarkaana laga helay dalal badan.
Wasiirka waxa ay sheegtay in la xakameeyay dadka ka imaanaya dalalka uu sameeyay Cudurka.
Waxa ay xustay in dowladda Soomaaliya ay u diyaar garowday sidii looga hortagi lahaa Cudurka, islamarkaana lagu diyaariyay Kooxo kala duwan garoomadda diyaaraddaha.
Caabuqa Corona ayaa saameyn ku reebay dalal badan, wuxuu kasoo bilowday Shiinaha oo uu ku dilay in ka badan 3,000 qof.
Dowladaha caalamka ayaa heegan ugu jiraa sidii looga hortaggi lahaa Corona.
Qaaradda Afrika, dalalka kala ah Masar, Morocco, Tunisia, Nigeria iyo Senegal ayaa shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Corona.



