Magaalada Baydhabo ayaa lagu qabtay shaqsi hay’adaha amnigu sheegeen inuu doonayey inuu isku qarxiyo magaalada Baydhabo
Shaqsiga ayaa lagu magacaabaa Isaaq kaasi oo ku hubeysanaa Jaakad bam ku xiran qori AK 47 iyo booshkiisa, halka ninkan kale ee qoriga sitana uu isku soo dhiibay Ciidanka amniga.
Taliyaha Ciidamada Booliska Baydhabo ee Koonfur Galbeed Muqtaar Ibraahim Dumbudow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ninkaas uu doonayay inuu shacabka ku dhaqan Baydhabo isku qarxiyo, hayeeshee gacanta lagu dhigay.



