Bangiga Horumarinta Afrika oo ansixiyay hannaanka deyn cafinta Soomaaliya

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa ansixiyay hannaanka ay Soomaaliya ku cafinayaan 122.55 milyan oo doolar oo ah deyntii ay ku lahaayeen.

ka dib kulan maanta ay yeesheen Agaasimayeyaasha Bankiga ayay ku dhawaaqeen qorshaha deynta cafinta Soomaaliya.

Qaabdhismeedka ayaa lagu saleeyay Soomaaliya iyada oo heshay taageero deeq-bixiye si loo nadiifiyo dhammaan deyntii lagu lahaa Bankiga.

Isaga oo ka jawaabaya go’aanka bangiga Afrika  Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. C / raxmaan Beileh, wuxuu yiri, “Bangiga Horumarinta Afrika wuxuu Soomaaliya ku raacay isbadallada adag, ee kaliya ka dhigi kara Soomaaliya inay noqoto meel ka wanaagsan dhammaan dadka Soomaaliyeed. Waxaa naga go’an inaan sii wadno dibuhabaynteena maadaama aan aragnay faa iidooyinkooda nidaamyadeena dowladnimo iyo awoodda aan u maareyno dhaqaalaheena, iyo, tan ugu muhiimsan, inaan sare u qaadno isla xisaabtanka dowladda ee dadka. ”