Wasiiro ka tirsan dowladda oo shir uga qeyb galay Khartoum

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xildhibaan Sadiiq Warfaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaalle  oo ku sugan magaalada Khartoum ee dalka Sudan ayaa halkaasi uga qeybgalay shir looga hadlayo isdhex-marka Dad-ka iyo Ganacsiga waddamada ku bahoobay Urur gobolleedka IGAD.
Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Urur goboleedka IGAD.
Inta uu socdo Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saaraya sidii loo hagaajin lahaa is dhexgalka dalalka geeska Afrika.

Shirkan waxaa kalo ka qeybgalaya  wafuud kala socda  wasaaradaha amniga, arrimaha dibadda iyo Cadaaladda.