Waxaa weli rasaas goos goos ah laga maqlayaa degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo saakay waaberigii hore ay weerar ku bilaawdey qarax ku qaadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in Buundada degmada Qoryoleey qarax ku burburiyeen,in kastoo Guddoomiyaha Gobolka Shabeeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali Najax uu Warkaasi beeniyey,waxaana la sheegay in sidoo kale Al-Shabaab ay inta badan degmadaas dagaal kula wareegeen.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaas kasoo gaaray labada dhinac ee Ciidanka Dowladda iyo Ururka Al-Shabab,hayeeshee aan sirasmi ah loo xaqijin karin tirada dadka ku waxyeeloobey.
Dhinaca kale weerar ku bilaawdey qarax ayaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini ee duleedka Magaalada Marka,waxaana la sheegay in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegen in weerarkaas ay iska difaaceen,isla markaana ay ka dileen Al-Shabaab Xubno farabadan,in kastoo dad madax bannaan aysan Warkaasi xaqiijin.
Qeybo badan oo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay ila saakay waxaa ka dhacay dagaalo kala duwan,waxaana jirin cid ka tirsan dowladda oo si rasmi ah uga hadlay dagaaladaas.