Liverpool oo si lama filaan ah isha ugu heysa labada xiddig

Liverpool ayaa raadineysa inay ka afduubato Arsenal labo ka mid ah da,yartooda ugu sareysa.

Reds ayaa cadeysay inay yihiin koox awood ku leh horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan

Kooxda Liverpool ayaa noqotay hogaamiyaasha dhabta ah ah ee horyaalka England waxana ay doonayaan inay dib u dhos xoogan sii wataan.

Waxay umuuqataa inay dhisayaan mustaqbalka koox xoog badan iyagoo bartilmaameedsanaya Bukayo Saka iyo Martinelli oo ka tirsan Arsenal.

Labada xiddig ayaa ka mid ah kuwo ugu fiican xilli ciyaareedkaan Arsenal oo kujirta kaalinta 10aad ee horyaalka.

Laakiin Football Insider ayaa soo jeedineysa inay u dhaqaaqi karaan Liverpool saxiixa labada ciyaartooyd xilli ciyaareedka soo socda.

Martinelli ayaa cadeeyay inuu yahay gooldhaliye fiicn, halka Saka uu yahay ciyaaryahan garabka ka ciyaara oo sidoo kale buuxin kara garabka daafaca, waxaana qandaraaskiisa haatan ka haray kaliya 18 bilood.