Dowladda oo ka hadashay wararka sheegaya in Farmaajo tagayo Hargeyso

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay warar maalmahaan la isla dhex marayay oo ku aadanaa in Madaxweyne Farmaajo uu tagayo Magaalada Hargeysa.

Wasiir Maareeye waxaa uu sheegay in isagu aysan gaarin in Madaxweynaha uu tagayo Magaalada Hargeysa,hayeeshee hadii ay dhacdo in uu tago aysan laheyn wax dhibaato ah.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka iyo Madaxda Soomaaliland inay joojiyaan buuqa,isla markaana ay qaadaan tallaabo ay kula jaan qaadi karaan isbedelka Siyaasadeed midka dhaqaale iyo mid amni ee Aduunka.

Waxaa uu ka codsadey inay soo dhaweeyaan Madaxweyne Farmaajo xataa hadii ay isku aqoonsan yihiin inay yihiin kuwa ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

Madaxda Soomaaliland ayaa dhankooda waxaa ay horay u shaaciyeen inaysan suurtagal ahyn xilligana in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu tago Magaalada Hargeysa.